Skip to main content

Posts

Showing posts from March, 2022

MIDABTAKOOR

 Maqaalkeen maanta waxaad ku aqrisan doonta Midabtakoorka haybsooca IWN Midab Takoor  ( Ingiriis : racism) waa yasid lagu yasaayo qof kale midabkiisa ama muuqaalkiisa. Midab Takoorka waxaa soo raaca  Addoonsi  Takoor  Quudhsi iyo haybsooc intaba.        Faahfaahin Addoonsigu waa yasid, xaqirid, liidid, khasbid iyo jujuubid dadka loola dhaqmo si axmaqnimo, waxashnimo iyo bahalnimo ah oo dadnimada ka baxsan, iyadoo dadka loo isticmaalayo ama loo munaafacaadsado sida xoolaha oo kale. Adoonsigu waa ku shaqaysiga muruqa qofka iyadoo bahdil iyo maskax dulayn loo gaysanayo. Sidoo kale waxa uu leeyahay quudhsi, midab-sooc iyo sinji-takoor. Addoonsiga; wuxuu qofku ka mid noqonayaa hantida nafleyda ah ee qofka wax addoonsanayaa leeyahay. Wuu iibsan karaa, sida dibida oo kale ayuu beerta ku fashaa, sida dameeraha oo kale ayuu biyaha ku soo dhaansadaa. Haddii qofku amar qaadan waayona, waxa la markiyaa ciqaab daran oo arxan la’. Wuu garaacaa, oomiyaa, g...