Salaam Dhalinyaro Kusoo dhawoow maqaalkeen maanta , Halkan maanta waxa aynu Ku Falanqayn doona Maxaa ka jira in ay makhluuqaad mucjiso ah oo inaga horeeyay inta aynaan Caalamkan iman ay ku noolaan jireen.Si Toosa ayaynu U qodobayn doona ! AKHRIS WACAN Akhriste Ma Ogtahay inay jiraan makhluuqaad ka horeeyey jinka iyo Dadkaba oo dhulkan lagu abuuray? Sheekada aan kaaga sheekayn doono ama Qisada aan kaaga sheekayn doono waxay u Eegtahay Mid laga soo wariyay aflaamta khiyaaliga ah, Laakiinse waxa ay ku qoran tahay Kitaabada Waawayn sida Kitaabka ``Bidaaya Alnihaaya(بداية والنهايه) ee uu qoray ibnu Kathiir(ابن كثير). Makhluuqaadkaas magacoodu waxa la odhan jiray Allbinu,allxin,allnis,alldin,allmin . Waan ogahay inaad la yaabi doonto magacyada aan kusoo xusay sadarka hore. Makhluuqaadkaan aan ka sheekayn doono oo dhulka joogi jiray imikana tirtirmay sifooyinkoodu waxa ay ahaayeen qaababkan soo socda qaarkood waxay lahaayeen baalal,waxay lahaayee...
Salaam Dhalinyaro Kusoo dhawoow maqaalkeen maanta , Halkan maanta waxa aan Idinku Soo Gudbin Doona labo Qiso ay Fiican tahay inaad Ogaatid magaceeda Waa SABA' iyo BOQORADII BALQIIS Waxaan filaayaa inaad Magacaas maqasheen badankiinu Hadaba maanta ayaynu Isla Eegi Doona Hayga Caajisin ! AKHRIS WACAN BOQORTOOYADII SABA' SABA ' waa boqortooyo ka dhisnayd dhulka Yemen, caasimadooduna ay ahyd magaalada Ma'rib magaca Saba’ waxa la sheegaa in loo tiiriyo ninka la dhaho Camr Bin Caamir . Macnaha Saba’ waa qafaalasho, sababta loogu bixiyey ninkan Saba’ waxa la soo wariyaa inuu ahaa qofkii Carab ugu horeeyey ee wax qafaasha/dhaca. Haddaba ninkan Lagu magacaabo Camr Bin...