Skip to main content

BIN AADAMKA HORTII MIYAA LAGU NOOLAA ADUUNKA?


Salaam Dhalinyaro Kusoo dhawoow maqaalkeen maanta , Halkan maanta waxa aynu Ku Falanqayn doona Maxaa ka jira in ay makhluuqaad mucjiso ah oo inaga horeeyay inta aynaan Caalamkan iman ay ku noolaan jireen.Si Toosa ayaynu U qodobayn doona !AKHRIS  WACAN

     


   

Akhriste Ma Ogtahay inay jiraan makhluuqaad ka horeeyey jinka iyo Dadkaba oo dhulkan lagu abuuray?
Sheekada aan kaaga sheekayn doono ama Qisada aan kaaga sheekayn doono waxay u Eegtahay Mid laga soo wariyay aflaamta khiyaaliga ah, Laakiinse waxa ay ku qoran tahay Kitaabada Waawayn sida Kitaabka ``Bidaaya Alnihaaya(بداية والنهايه) ee uu qoray ibnu Kathiir(ابن كثير).
Makhluuqaadkaas magacoodu waxa la odhan jiray Allbinu,allxin,allnis,alldin,allmin.
Waan ogahay inaad la yaabi doonto magacyada aan kusoo xusay sadarka hore.

Makhluuqaadkaan aan ka sheekayn doono oo dhulka joogi jiray imikana tirtirmay sifooyinkoodu waxa ay ahaayeen qaababkan soo socda
qaarkood waxay lahaayeen baalal,waxay lahaayeen jirka libaaxa oo kale,madaxa shinbiraha oo kale,waxay ay lahaayen Timo iyo Dib ,codkooduna wuxuu ahaa mid aad u dheer qaarkood waxay lahaayeen laba waji mid xagga hore kaga yaal iyo mid xagga danbe kaga yaal,waxayna lahaayeen lugo aad u faro badan, qaarkood waxa ay u eekaayeen qof badhkii iyagoo leh hal lug iyo hal gacan,qaarkoodna wejiga waxa ay uga eekaayeen wejiga dadka'dhabarkana diinka.waxa kale oo la sheega inay madaxa ku lahaayeen geeso hadalkooduna waxa uu ahaa qaylada ama dhawaaqa eyga oo kale, qaarkood waxay lahaayeen Timo cad iyo Dibka lo'da oo kale waxay lahaayeen Foolal dibada usoo baxsan iyo dhego aad u dhaadheer.sifooyinkan oo dhan waxa lahaa makhluuqaadka aynu maanta Ka sheekayn doono.Waxayna ahaayeen makhluuqaad kala duwan oo markii danbena iyagu is gumaaday oo istirtiray

Allbin: waa makhluuqaad kamida makhluuqaadyadaas aynu soo sheegnay waxa uuna ahaa mid ka ugu horeeyay waxana laga abuuray dirxi aad u u weyn kaasoo si degdeg ah intuu u koray markii danbena noqday daanyeer taagan illaa markii danbe uu gaboobay oo uu dhintay wuxuuna ku milmay dhulka iyo ciidda, allbin waxa uu tirtirmay markii uu geedka biyaha kasoo hoosbaxa ee afcarabiga loogo yeedho daxaalib (طحالب)biyuhuna ay ku bateen dhulka laakiinse waxa ku sii hadhay qaybo kamida xawooyinkiisii(Species) waxaa lasheega allbin waxa ku xigay Makhluuq la odhan jiray

Allxin: Wuxuu u abuurmay qaab geed oo kale ah wuxuuna quudan jiray macdanta dhulka ku duugan,allxin madaama uu ka samaysnaa Geed uuna quudan jiray macdanta dhulka ka soo baxda waxa uu la dagaalamay Allbin kadibna waa uu tirtiray waxaana uu qaatay shakligoodii (qaabkoodi) iyo wixii iyaga kasoo hadhay.Waxaa la sheegaa albin iyo allxin markii ay midoobeen oo ay is dhex galeen ayaa waxa kasoo baxay makhluuq kale oo la yidhaahdo Alldin.
    

       


 
Alldin waxa uu ka abuurmay qolofta geedaha iyo dhoobada dhulka, waxa uu cuni jiray xayaawaanadka ku nool badda hoosteeda,waxaa la sheegaa inuu yeeshay harag Xayawaan kadib waxa uu ka awood batay qaababki hore iyo makhluuqaadkii hore ee uu soo maray oo kala ahaa allxin iyo allbin.Waxaana uu dagaal la galay makhluuqii la odhan Jiray allxin waana uu ka guulaystay oo cidhib tiray. Waxaa kale oo jiray Makhluuq kale oo la yidhaahdo allmin.
    

 



    
Allmin makhluuqani waxa uu ka farcamay allbin ee ay tirtireen allxin.waxay ahaayeen makhluuqaad aad u waaweyn oo aan lahayn  wax indho ah wejiga ayaa waxa ay ku lahaayeen dareemayaal taasi oo ka caawinaysay inay ku jiraan godadka mugdiga ah ee ay dhex daganaayeen.kedib waxaa yimid makhluuqaad kuwaas oo dhan ka danbeeyay oo layidhaahdo allnis kuwaas oo ahaa awoowayaashii Jinka iyo Dadkaba.


 
Qisadan gaaban ee khuraafaadka u eg mufasiriinta qaar waxa ay daliishanayaan aayada quraanka ah uu alle SWT ku leeyahay


     《
وَإِذْ قَالَ رَبُّكَ لِلْمَلَائِكَةِ إِنِّي جَاعِلٌ فِي الْأَرْضِ خَلِيفَةً ۖ )


Allah markuu u sheegayay malaa'igta inu abuurayo Binu aadam waxa uu ku yiri waxaan abuuraya mid khaliifa ah oo ka danbeeya kuwii isaga ka horeeyay, Taas ayaa cadeynaysa in ay jiraan makhluuqaad jinka iyo insigaba ka horeeyay.Mufasiriinta qaar ayaa diidan oo waxa ay Yidhaahdaan waa jinka Taasna waxaan ogolaanayn suaasha ay malaa'igtu weydiinayso ilaahay ee ah
(قَالُوا أَتَجْعَلُ فِيهَا مَن يُفْسِدُ فِيهَا وَيَسْفِكُ الدِّمَاءَ وَنَحْنُ
.نُسَبِّحُ بِحَمْدِكَ وَنُقَدِّسُ لَكَ) ۖ

(Dhulka ma waxaad ku abuuraysaa mid dhiiga daadiya).

Markaa waxa la yidhaahda malaa'igtu waxay tilmaamayaan in qoomam hore oo ilaahay soo abuuray dhiigna leh jinkuna waxa uu ka sameysan yahay dab oo dhiig ma laha dhiigna kama daato. Ibnu Kathiir waxa uu leeyahay makhluuqaadkan markay dhiig iyo fasahaad ku daadiyeen dhulka ayuu allah SWT ku Salliday jinka, jinka ayaana dagaal xoog weyn la galay kadibna tirtiray oo aduunka ka baabi’yey. Ruwaayaadka qaar ayaa sheegaya in ay yihiin labada qabiil ee soo bixi doona maalinta qiyaame intaan la gaarin ka hor oo la kala yidhaahdo YA'JUUJ,MA'JUUJ.jinku markii uu ka adkaaday ayay buuraha qaarkood galeen bani aadamka markii dhulka la keenay ayay dib u soo baxeen illaa markii danbe uu boqorkii Dil Qarnayn la odhan jiray uu xabisay qiyaamaha ka horna ay darbigaas soo jabsan doonan aduunka oo dhanna  cagta ay marin doonaan. Waxa kale oo la sheega makhluuqaadkan waa khuraafaad laga soo wariyay furus iyo giriiga , reer Furus waxay ku qoreen kitaabadooda waxayna odhan jireen al dummu walrrin. Giriiguna waxay Yidhaahdaan waa Titunes oo xataa aflaam ayay ka sameeyeen khiyaali ah oo la daawado.  Laakiinse allah ayaa wax waliba og oo Makhluuq walbana abuuri kara ogna wixii inaga horeeyay iyo wixii dhulkan soo marayba.


Illaa iyo halkan hadaad nala joogtay Aad baad u mahadsantahy



        ■DHAMAANTIIN MAHADSANID




Comments

Popular posts from this blog

Disclaimer

  Disclaimer for Maqaalka maanta If you require any more information or have any questions about our site's disclaimer, please feel free to contact us by email at Mohamedcazkaofficial@gmail.com Our Disclaimer was generated with the help of the Free Disclaimer Generator. Disclaimers for Maqaalka maanta All the information on this website - https://maqaalkamaanta.blogspot.com/?m=1 - is published in good faith and for general information purpose only. Maqaalka maanta does not make any warranties about the completeness, reliability and accuracy of this information. Any action you take upon the information you find on this website (Maqaalka maanta), is strictly at your own risk. Maqaalka maanta will not be liable for any losses and/or damages in connection with the use of our website. From our website, you can visit other websites by following hyperlinks to such external sites. While we strive to provide only quality links to useful and ethical websites, we have no control over ...

BOQORTOOYADII SABA' IYO BOQORADII BALQIIS (The Kingdom Of Saba And The Queen Balqiis).

  Salaam Dhalinyaro Kusoo dhawoow maqaalkeen maanta , Halkan maanta waxa aan Idinku Soo Gudbin Doona labo  Qiso ay Fiican tahay inaad Ogaatid  magaceeda Waa SABA' iyo BOQORADII BALQIIS Waxaan filaayaa inaad Magacaas maqasheen badankiinu Hadaba maanta ayaynu Isla Eegi Doona Hayga Caajisin                           ! AKHRIS  WACAN                          BOQORTOOYADII        SABA'                         SABA ' waa boqortooyo ka dhisnayd dhulka Yemen, caasimadooduna ay ahyd magaalada Ma'rib magaca Saba’ waxa la sheegaa in loo tiiriyo ninka la dhaho Camr Bin Caamir . Macnaha Saba’ waa qafaalasho, sababta loogu bixiyey ninkan Saba’ waxa  la soo wariyaa inuu ahaa qofkii Carab ugu horeeyey ee wax qafaasha/dhaca. Haddaba ninkan Lagu magacaabo Camr Bin...