Skip to main content

FAA'IDADA TIMIRTA

 Salaam Dhalinyaro Kusoo dhawoow maqaalkeen maanta , Halkan maanta waxa aynu Ku Falanqayn doona Faaidooyinka Ay Leedahay Timirta Si Toosa ayaynu U qodobayn doona         !AKHRIS  WACAN 



Tijaabo iyo cilmi baadhis lagu sameeyay timirta waxaa lagu ogaaday in timirta laga helo faaiido iyo waxtar iyo dheef badan oo aan la koobi karin. Waxaad hoos ka akhrisataan waxtarka badan ee timirtu leedahay. Waxaa la odhan karaa timirtu waxay daawo u tahay wax kasta. Waana cuntadii Rasuulku (scw) ugu jeclaa. 


1•Timirtu waxa ay  dhinta ama yaraysa kalastaroolka dhiigga ku jira sabatoo ah waxaa timirta laga helaa maaddo la dhaho Pectin oo halbowlaha dhiigga ka ilaalisa inuu isku dhego ama xidhmo kadibna uu joogsado wareegga dhiiggu. 


2•Sidoo kale, timirta waxaa ku jira maaddo kale oo la dhaho fluorine (fluoride) taasoo ka hortagta suuska ilkaha

Timirtu waxay jidhka (jirka) ka difaacdaa ama ka dhawrtaa sunta waayo timirta waxaa laga helaa saddex maaddo oo caafimaadka u roon kuwaasoo kala ah sodium iyo potassium iyo weliba vitamin C. 


3•Timirta waxaa ku jira saddex maaddo oo kala ah iron iyo copper iyo vitamin B. Kuwaasina waxay daawo u yihiin aniimiyada ama dhiig yaraanta (anemia)

              


4•Timirta waxaa ku jira saddex maaddo oo kala ah iron iyo copper iyo vitamin B. Kuwaasina waxay daawo u yihiin aniimiyada ama dhiig yaraanta (anemia). 


5•Timirta waxaa kale ku jira labo maaddo oo kala ah calcium iyo phosphorous iyo vitamin A. Kuwaasina waxay daawo u yihiin cudurka carruurta ku dhaca ee loo yaqaan (rickets) kaasoo lafahooda ka dhiga jiljileec iyo tamar darri ka dhalatay vitamin D la’aan. 


6•Timirta waxaa ku jira maadada magaceedu yahay potassium taasoo daawo u ah oon diidnimada ama rabitaan la’aanta cuntada iyo weliba marka qofku fakerkiisa meel isugu keeni kari waayo (lack of concentration). 


7•Timirta waxaa ku jira maadada la dhaho magnesium taasoo daawo u ah daciifnimada iyo tabar-darrida iyo boodboodka ama garaaaca wadnaha. 


8•Waxaa kalee timirta ku jira maaddo loo yaqaan boron taasoo daawo u ah cudurka tufta ama lafo xanuunka (rheumatism) iyo cudurka kaansarka ee maskaxda gala. 


9•Timirtu waxay baajisaa oo ka hortagtaa cudurka kaansarka ee ku dhaca mindhicirka ama xiidmaha.Waxay kalee timirtu ka hortagtaa cudurka bawaasiirta isla markaana waxay yaraysaa in xammeetida dhagxanyo ku samaysmaan. Sidoo kale waxay fududaysaa marxaladaha uuraysiga ama uur bixinta iyo dhalinta iyo muddada umuluhu ku jiraan umulbixinta. Sidaasna waxaa u sabab ah timirta waxaa ku jira maaddo miraha laga helo oo dheef-shiidka cuntada sahal ka dhigta. 


10•Timirtu waxay daawo u tahay jidhka engaga iyo indho habeenada ama qofka aan waxba arki karin waqtiga habeenimada. 


11• Sidoo kale timirta waxa  laga helaa vitamin B2 taasoo daawo u ah dheef-mareenka ama (digestive system).

Waxaa intaas sii dheer, timirtu waxay daawo u tahay timaha daata iyo indho-daalka iyo cirrid-dhiiga ka dhasha fiitamiin C la’aan iyo weliba xiiqda iyo lafo jileeca. 


12•Timirta waxaa laga samayn karaa daawooyin , fiitaamiino iyo kiniini dila jeermiska iyo baakteeriyada cudurada keenta kuwaasoo lagu daawayn karo cudurada kor ku xusan..







Hadii aad illaa halkan soo gaadhay waxaan Rajeynayaa inaad wax badan ka faaiday . 


Faaiidooyinka kor lagu sheegay ayay timirtu leedahay ee markaa yaan loo daymo la’aan


                                         MAHASANID

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

BIN AADAMKA HORTII MIYAA LAGU NOOLAA ADUUNKA?

Salaam Dhalinyaro Kusoo dhawoow maqaalkeen maanta , Halkan maanta waxa aynu Ku Falanqayn doona Maxaa ka jira in ay makhluuqaad mucjiso ah oo inaga horeeyay inta aynaan Caalamkan iman ay ku noolaan jireen.Si Toosa ayaynu U qodobayn doona ! AKHRIS  WACAN           Akhriste Ma Ogtahay inay jiraan makhluuqaad ka horeeyey jinka iyo Dadkaba oo dhulkan lagu abuuray? Sheekada aan kaaga sheekayn doono ama Qisada aan kaaga sheekayn doono waxay u Eegtahay Mid laga soo wariyay aflaamta khiyaaliga ah, Laakiinse waxa ay ku qoran tahay Kitaabada Waawayn sida Kitaabka ``Bidaaya Alnihaaya(بداية والنهايه) ee uu qoray ibnu Kathiir(ابن كثير). Makhluuqaadkaas magacoodu waxa la odhan jiray Allbinu,allxin,allnis,alldin,allmin . Waan ogahay inaad la yaabi doonto magacyada aan kusoo xusay sadarka hore. Makhluuqaadkaan aan ka sheekayn doono oo dhulka joogi jiray imikana tirtirmay sifooyinkoodu waxa ay ahaayeen qaababkan soo socda qaarkood waxay lahaayeen baalal,waxay lahaayee...

Disclaimer

  Disclaimer for Maqaalka maanta If you require any more information or have any questions about our site's disclaimer, please feel free to contact us by email at Mohamedcazkaofficial@gmail.com Our Disclaimer was generated with the help of the Free Disclaimer Generator. Disclaimers for Maqaalka maanta All the information on this website - https://maqaalkamaanta.blogspot.com/?m=1 - is published in good faith and for general information purpose only. Maqaalka maanta does not make any warranties about the completeness, reliability and accuracy of this information. Any action you take upon the information you find on this website (Maqaalka maanta), is strictly at your own risk. Maqaalka maanta will not be liable for any losses and/or damages in connection with the use of our website. From our website, you can visit other websites by following hyperlinks to such external sites. While we strive to provide only quality links to useful and ethical websites, we have no control over ...

BOQORTOOYADII SABA' IYO BOQORADII BALQIIS (The Kingdom Of Saba And The Queen Balqiis).

  Salaam Dhalinyaro Kusoo dhawoow maqaalkeen maanta , Halkan maanta waxa aan Idinku Soo Gudbin Doona labo  Qiso ay Fiican tahay inaad Ogaatid  magaceeda Waa SABA' iyo BOQORADII BALQIIS Waxaan filaayaa inaad Magacaas maqasheen badankiinu Hadaba maanta ayaynu Isla Eegi Doona Hayga Caajisin                           ! AKHRIS  WACAN                          BOQORTOOYADII        SABA'                         SABA ' waa boqortooyo ka dhisnayd dhulka Yemen, caasimadooduna ay ahyd magaalada Ma'rib magaca Saba’ waxa la sheegaa in loo tiiriyo ninka la dhaho Camr Bin Caamir . Macnaha Saba’ waa qafaalasho, sababta loogu bixiyey ninkan Saba’ waxa  la soo wariyaa inuu ahaa qofkii Carab ugu horeeyey ee wax qafaasha/dhaca. Haddaba ninkan Lagu magacaabo Camr Bin...