Salaam Dhalinyaro Kusoo dhawoow maqaalkeen maanta , Halkan maanta waxa aan Idinku Soo Gudbin Doona labo Qiso ay Fiican tahay inaad Ogaatid magaceeda Waa SABA' iyo BOQORADII BALQIIS Waxaan filaayaa inaad Magacaas maqasheen badankiinu Hadaba maanta ayaynu Isla Eegi Doona Hayga Caajisin !AKHRIS WACAN
BOQORTOOYADII SABA'
SABA' waa boqortooyo ka dhisnayd dhulka Yemen, caasimadooduna ay ahyd magaalada Ma'rib magaca Saba’ waxa la sheegaa in loo tiiriyo ninka la dhaho Camr Bin Caamir . Macnaha Saba’ waa qafaalasho, sababta loogu bixiyey ninkan Saba’ waxa la soo wariyaa inuu ahaa qofkii Carab ugu horeeyey ee wax qafaasha/dhaca. Haddaba ninkan Lagu magacaabo Camr Bin Caamir Wuxuu dhalay 10 Ciyaal ah lix kamida waxay dageen Yemen afarta kalena waxay Dageen Shaam,Lixdaa yamen Dagay Ayaa Waxay Sameeyeen Boqortooyo Lagu Magacaabo SABA Boqortooyadan waqti dheer ayey jirtay oo lagu qiyaasu ilaa kow iyo toban qarni ka hor dhalashadii Nabi Ciise. Magaalada Ma'rib la yiraahdo dhinac walba waxa kaga Hareeraysnaa Buuro roobku marka uu soo Da'o Biyaha Ka Yimaada Buuraha Waxa ay ku Darsami Jireen Webiga Oo Beerahooda waa ay dhaafi jireen Markaas bay Tashteen oo Ay Sameysteen Biyo Xireen aad u Weyn Oo Waqtigaas Wax U dhigma Aanu Jirin.Biyo Xidheenkaas Waxay U sameeyeen Daloolo ay Biyuhu kasoo baxaan Si ay Beeraha Biyuhu usoo Gaadhaan,Biyo Xidheenkaas ayaa waxa uu waraabin jiray Dhul qiyaastiisa lagu qiyaaso Sagaalkun iyo Lixboqol oo Hiktar (9600 Hecktor).Boqorada Saba’ waxay xidhan jireen Taaj sida boqortooyooyinkii Shaam, Furus, Xabashida iyo Hindidaba. Boqoradii ugu waynayd waxa ka mid ahayd boqoradii Balqiis Taasi oo noolayd qarnigii Nabi Sulaymaan. Boqortooyadan iyo dadkii deganaa waxay ku noolaayeen nolol barwaaqo ah, oo aan dhib iyo murugo toona arag, Allah (SW) waxa uu ugu deeqay Beero Midig iyo Bidix Khudaar walba ay ubaahan yihiina ay Uga soo Bixi Jirtay Waxa Cajiiba in ilaahay siiyay Marka miraha ay dhulka ku tuuraan ay degdeg usoo baxayaan iyagoon wax shaqo ah uga baahnayn sanadkaas oo dhan Beero waxa la sheegaa in Gabadhu marka ay guriga kasoo baxayso ay sallad madaxeeda dushiisa saarto Kedib ay soo dhex Gasho beerta Ayna kala baxdo Salladeeda uu ay ka Buuxdo Khudaar Ayadoon Gacanteen Wax khudaar ah kusoo Goosan ,Allah (SW)Wuxuu siiyey biyo aan kala joogsi lahayn oo meel walba socda Allah Waxa uu siiyey Amni Sidoo kale deegaankoodu muu lahayn cayayaanka cuna beeraha ama Cayayaan/Xayawaan Dhib u Geysta Dadka reer SABA, Tusaale Qofka Soogalaya magalada Hadii uu Cayayaan la socdo injir tukaan IWM Waa ay ka daadan jireen dhamaantood inta aanu soo galin Magaalada reer Saba marka ay Safarka galayaan uma ay baahan jirin wax sahay ah Sababtoo ah Wadooyinka ay marayaan aya waxa ku yaalay Khudaar,midho bisil, Biyo Macaan,Iyo Geedo waawayn uu ku harsado intaba. Waxa la sheegaa in Nabiyo badan loo soo diray si ay ugu mahad celiyaan Allah (SW) Mahadcelin iska dhaafe Waxa ay anbiyadii ku yidhaahdeen Waxan aad aragtaan anagaa Samaysanay biyo Xidheenkaas aadka U weyn Ilaahay waxba nooma qaban Hadii uu Doono Imikada hala Noqdo hadii uu La noqon karo. Dadkii sidaa isu kibrinayey
Eebe waxa uu dumiyey biyo xidheenkii Ma’rab, waxa la sheegaa in Jiir loo soo diray kadib inta uu aasaaska ama seeska biyo xidheenka qoday ayuu dumay. Biyo xidheenkii markuu dumay, biyihii ayaa fatahay oo burburiyey guryahoodii iyo beerihii, waxaanu Allah ka yeelay sida uu Quraanka inoogu tilmaamayo geedo khadhaadh, oo qoryo ah. Dadkii deganaa Wa ay kala tafaraaruqeen oo qaybina waxay ku qarqoontay biyihii qaarna waa ay qaxeen Eebana Waxa uu Ka dhigay kuwo maanta lagu Cibro Qaato.
BOQORADII BALQIIS
Haddaba Reer Saba Markii ay kala Tageen ayaa Meeshii wax kusoo Hadhay Qabiil la Yidhaahdo Ximyaar,Qabiilkaas ayaa Dib Usoo Nooleeyay Boqortooyadii saba ee ku taalay Ma'rib dadka qaarna waxay Yidhaahdaan Boqortooyadaas waxa ay kasoo Bilaambatay Ethopia oo halkaas ayay balqiis markii danbe boqorad ka noqotay,Boqortooyadii saba markii ay Soo laabatay oo ay Ximyariyiintii dib usoo celiyeen ayaa markii lasoo gaadhay nin la yidhaahdo Had haad ibnu carcaar oo markaas ka ah Boqor.Maalin maalmaha ka mid ah isagoo Ugaadhsanaya ayaa wuxuu arkay Deero cad oo aad u qurux badan oo YEY Rabto inay Cunto markaasuu Yeydii inta uu ka celiyey ayuu daba galay Deeradii si uu u ogaado Deeradan meesha ay ka Timid Ee deeroyinkaas Cadcad ee quruxda badani joogaan si uu usoo ugaadhsado Sidii uu daba Socday ayaa waxa ay Gashay God Godkii ayaa uu Ka Daba Galay,markaasuu Wuxuuba arkay wax layaab iyo Amankaag ku noqda oo ah Boqortooyo kale oo ku dhex taal Boqortooyadiisa oo Qasriyada ku yaal ay ka qurux badan yihiin Kana waaweyn yihiin kuwa Saba' ku yaal.Had haad Ibnu caar asagoo dhex taagan Boqortooyadii
Ayaa waxa u yimid nin u labisan sida Boqorada markaasuu inta uu isu sheegay waxa uu ku Yidhi "Meeshan Aad Joogtid Waa Boqortooyadii Jinka Aniguna waxaan ahay Boqorkii Boqortooyadan jinka",Ayagoo wada Hadlaya ayaa waxa Dhinaciisa kasoo baxday gabadh aad u qurux badan markaasu waxa uu ku yidhi tanna waa Gabadhaydii waa deeradii aad markii dhoweyd soo badbaadisey oo YEYda aad ka badbaadisey waan kuu mahadnaqaya Hadii Aad Iga Aqbashidna Waan kuu Guurinayaa.boqorkii Reer saba waa uu ka aqbalay waana uu Guursaday, kedib wuxuu keenay Saba waxaan ay u dhashay BALQIIS.
Boqorkii Had haad ayaa waxa la gaadhay xiligii uu ka tagi lahaa Aduunkan,dardaarankiisi u danbeeyay ayuu u dardaarmay wasiiradiisii iyo dhamaan dadkii la talinayey waxa uuna ku yidhi "Hadii aan maanta Geeriyoodo Boqortooyada Gadaashay waxa la wareegi doona gabadhayda Balqiis" Qof maanta ka caqli badan ,ka xikmad badan oo ka Ra'yi fiican majiro mana joogo.Markii hore waxay Damceen inay ku Mucaaradaan sababtoo ah in aanay gabar waligeed xukun usoo qaban Balse Boqorki ayaa ku Adkaystay inay Balqiis dhaxli doonto.
Markii Uu Dhintay Boqorkii Waxa La Wareegay Boqortooyadii Balqiis,isla markiiba waxa kasoo horjeestay nin la odhan jiray {Camr dil adcaar} ninkaas oo Isaguna ka mid ahaa Ximyeeriyiinta Oo isaguna sheegtay inuu Boqorka saxda ah yahay,Dad badan oo kamid ahaa dadkii Saba' degena ayaa Raacay oo usoo raacay inuu yahay boqorka saxda ah.
Balqiis si ay Mucaaradkiisa u baabi'iso
Waa ay u fekartay waxay tidhi hadii aad dagaal gasho labada qoloba waa shacabkaagi oo meeshaas ku baaba'aya,markaa dhiigga shacabkeeda si ay u baabi'iso waxay usoo bandhigtay inay is guursadaan kedibna xukunka saa ay ku wada qabtaan,Camr waa uu ka yeelay dalabkeedii waana loo guuriyey Balqiis habeenkii u horeeyay markii loo soo galbiyey ayay khamri inta ay ka dhargisay markii uu sarkhaamisay ee uu miyir beelay ayay inta ay Mindi soo qadatay qoorta ka jartay kadib ay ciidankeedii u dhiibtay ba waxay tidhi magaalada dhexbadhtankeeda kasoo laadlaadiya si dadkoo dhan ay u arkaan.Mucaaradnimadi Camr iyo khilaafkiina saa ayay kusoo afjartay
Keligeedna ayaa ka talin Jirtay illaa xiligii Nebi Sulaymaan, ilaa markii danbe uu sii ogaaday shinbirkii Hudhudka ahaa oo uu u sheegay nebi Sulaymaan in ay jirto Boqortooyo meel halkaasa ku taal oo qof dumara ay xukunto dadkaasina ay caabudaan Qorraxda.Nebi Sulaymaan (CS)
Waxa uu u diray waraaq oo uu ku yidhi ii imaada idinkoo muslimiin ah Balqiis waxa ay la tashatay Wasiiradeedii waxaana ay ku dhaheen anagu waxaanu nahay dad awood iyo Xoog Intaaba leh hadii nala soo weerarona waanu iska celin karnaa ,laakiin maadaama ay Balqiis qof caqli badan ahayd waxay ku Tijaabisey Nebi Sulaymaan (CS) in ay u dirto hadiyado si ay U ogaato Ninkan ma waxa uu rabaa hanti iyo Boqortooyo Mise diintan uu Faafinayo Run ayay ka tahay Laakiinse markii ay ogaatay Nabi Sulaymaan(CS) Mucjisooyinkiisa iyo inuu nabi sax ah yahay oo diintan islaamka uu ugu yeedhayona ay sax tahay Balqiisna Waa ay Soo Islaamtay.
Ruwaayaadka qaar Waxay sheegaan Nabi Sulaymaan Balqiis Wuu Guursaday,Riwaayadka qaarna waxay dhahaan ma uusan Guursan Ee Wuxuu ku daray Nin Kamida wasiiradiisa Kedibna waxa uu u dhisay Qasri Aad u weyn oo qurux badan.
MAHADSANID





Comments
Post a Comment