Skip to main content

5 Mucjiso Oo Laga Faaido Jimicsiga.



 Haddii aad dooneyso in aad is cateyso, jimicsiga waa in uu qeyb muhiim ah ka noqdo noloshada. Balse faa’iidada way ka sii badnaaneysaa intaas.


Cilmi-baarisyo ayaa lagu ogaaday in heerka caafimaadka qofka jimicsada uu kordhayo, sida shaqada maskaxda iyo dareenka shucuurta guud iyo is xakameynta.

Jimicsiga joogtada ah wuxuu u wanaagsan yahay jirka, maqaarka, lafaha, murqaha iyo neefsiga qofka – sidoo kale waxaa laga faa’idaa yareynta halista kansarka, dhinac-qalalka (stroke), yareynta halista wadna-xanuunka, iyo sidoo kale dhallinyarenimo.

Haddaba, wax ka ogow qaababka badan ee jimicsiga aad uga fa’ideyso caafimaadka. Halkan ka akhriso 5 sababood oo jimicsiga u wanaagsan yahay:

1-      Jimicsiga wuxuu xoojiyaa awoodda maskaxda

Marka qofka ay da’diisa sii waynaato, jimicsiga wuxuu u noqonayaa faa’iido badan oo xoojinta awoodda maskaxda, xusuusta iyo garashadaba ah.

Cilmi-baaris la sameeyay 2015-kii, waxaa lagu sheegay in jimicsiga uu ka hortagayo xanuunada keena hilmaamka badan ee Asaasaqa iyo Alzheimer’s.

Jimicsiga wuxuu noqon karaa mid socod wanaagsan ah oo maalintii aad sameyso, mid gym-ka aad u aado ama in aad kubad-ciyaarto. Sidoo kale waxaad wadi kartaa baaskiil.

Dadka jimicsiga sameeyo, si degdeg ah ayey wax ku fahmaan, xusuustoodana aad ayey u wanaagsanaataa, sababtoo ah waxaa kordhaya awoodda dareenka maskaxda.

Haddaba, ogow in marka ay shaqo adag ku sugeyso ama aad khudbad jeedin rabto, saacado ka hor waxaad sameysaa jimicsi – xitaa adigoo qolkaaga ku dhex jira yara boodbood – ka dib waxaa kuu fududaanaya shaqada.

2-      Jimicsiga wuxuu u fiican yahay laf-dhabarta

Jimicsiga, inta badan noocyadiisa waxay ka hor tagaan dhabar-xanuunka, lafo-xanuunka iyo in qofka u nuglaado kofitaan. Waxaa adkaanaya murqaha jirka oo dhan, taasna waxay keeneysaa in qofka uu isu dheellitirnaado.

Sidoo kale, marka qofka uu da’ noqdo, jimicsiga wuxuu ka caawinayaa in lafaha aysan dabcin oo xanuun uusan imaanin.

3-      Jimicsiga wuxuu u wanaagsan yahay murqaha

Marka dadka ay gaaraan da’da 40 illaa 50, murqaha waxay billaabayaan in ay dabcaan oo xanuunaan. Taas waxay keeneysaa in qofka uu isu dheellitirmi waayo jir ahaan.

Balse jimicsiga wuxuu keenayaa in qofka uu adkaado, da’dadana aysan ka muuqanin. Sidoo kale xanuunka kala-gosyyada ayuu jimicsiga ka hortagayaa.

4-      Jimicsiga wuxuu kordhiyaa raganimada

Sida lagu ogaaday cilmi-baaris, jimicsiga wuxuu xoojinayaa raganimada ama gabarnimada. Labada qofka – rag iyo dumarba – wuxuu u adkeynayaa jirka iyo rabitaanka.

Sidoo kale, waxaa kordhaya shucuurta, kalsoonida iyo aaminidda-naftaada. Dhammaan waa arrimo u fiican raganimada.

5-      Jimicsiga wuxuu leeyahay hurdo wanaagsan

Muddo, waxaa jimicsiga loo isticmaalayay in lagu hagaajiyo qaabka hurdada qofka. Tusaale, sababta carruurta ay aadka ugu hurdaan waxaa sabab u ah ciyaarta badan oo jirkooda wuu daalayaa.

Cilmi-baaris muddo socotay oo 2014-kii lagu daabacay Joornaalka arrimaha nolosha ee Lifestyle Medicine, waxaa lagu sheegay in dadka hurdo la’aanta ay dhibka ku hayso lagu daweyn karo jimicsiga.

Hurdada oo wanaagsanaatana waxay u fiican tahay maskaxda, jirka iyo shucuurta dareenka qofka. Sida aan kor ku soo xusnayna, taas waxay kordhineysaa awoodda maskaxda iyo fahamka.

     Mahadsanid

Comments

Popular posts from this blog

BIN AADAMKA HORTII MIYAA LAGU NOOLAA ADUUNKA?

Salaam Dhalinyaro Kusoo dhawoow maqaalkeen maanta , Halkan maanta waxa aynu Ku Falanqayn doona Maxaa ka jira in ay makhluuqaad mucjiso ah oo inaga horeeyay inta aynaan Caalamkan iman ay ku noolaan jireen.Si Toosa ayaynu U qodobayn doona ! AKHRIS  WACAN           Akhriste Ma Ogtahay inay jiraan makhluuqaad ka horeeyey jinka iyo Dadkaba oo dhulkan lagu abuuray? Sheekada aan kaaga sheekayn doono ama Qisada aan kaaga sheekayn doono waxay u Eegtahay Mid laga soo wariyay aflaamta khiyaaliga ah, Laakiinse waxa ay ku qoran tahay Kitaabada Waawayn sida Kitaabka ``Bidaaya Alnihaaya(بداية والنهايه) ee uu qoray ibnu Kathiir(ابن كثير). Makhluuqaadkaas magacoodu waxa la odhan jiray Allbinu,allxin,allnis,alldin,allmin . Waan ogahay inaad la yaabi doonto magacyada aan kusoo xusay sadarka hore. Makhluuqaadkaan aan ka sheekayn doono oo dhulka joogi jiray imikana tirtirmay sifooyinkoodu waxa ay ahaayeen qaababkan soo socda qaarkood waxay lahaayeen baalal,waxay lahaayee...

Disclaimer

  Disclaimer for Maqaalka maanta If you require any more information or have any questions about our site's disclaimer, please feel free to contact us by email at Mohamedcazkaofficial@gmail.com Our Disclaimer was generated with the help of the Free Disclaimer Generator. Disclaimers for Maqaalka maanta All the information on this website - https://maqaalkamaanta.blogspot.com/?m=1 - is published in good faith and for general information purpose only. Maqaalka maanta does not make any warranties about the completeness, reliability and accuracy of this information. Any action you take upon the information you find on this website (Maqaalka maanta), is strictly at your own risk. Maqaalka maanta will not be liable for any losses and/or damages in connection with the use of our website. From our website, you can visit other websites by following hyperlinks to such external sites. While we strive to provide only quality links to useful and ethical websites, we have no control over ...

BOQORTOOYADII SABA' IYO BOQORADII BALQIIS (The Kingdom Of Saba And The Queen Balqiis).

  Salaam Dhalinyaro Kusoo dhawoow maqaalkeen maanta , Halkan maanta waxa aan Idinku Soo Gudbin Doona labo  Qiso ay Fiican tahay inaad Ogaatid  magaceeda Waa SABA' iyo BOQORADII BALQIIS Waxaan filaayaa inaad Magacaas maqasheen badankiinu Hadaba maanta ayaynu Isla Eegi Doona Hayga Caajisin                           ! AKHRIS  WACAN                          BOQORTOOYADII        SABA'                         SABA ' waa boqortooyo ka dhisnayd dhulka Yemen, caasimadooduna ay ahyd magaalada Ma'rib magaca Saba’ waxa la sheegaa in loo tiiriyo ninka la dhaho Camr Bin Caamir . Macnaha Saba’ waa qafaalasho, sababta loogu bixiyey ninkan Saba’ waxa  la soo wariyaa inuu ahaa qofkii Carab ugu horeeyey ee wax qafaasha/dhaca. Haddaba ninkan Lagu magacaabo Camr Bin...