Skip to main content

DHAFARKA

DHAFARka badan iyo hurdo la’aanta waxaa laga dhaxlaa dhibaatooyin badan oo kala duwan.

Maadaama caalamku is badalay oo habeenkii iyo maalintii isku mid noqdeen xaga dhaqdhaqaaqa waxaa aad u soo baxay dhibaatooyin badan oo la xiriirta hurdo la’aanta ama dhafarka habeenkii taasoo na dareensiineysa ahmiyada hurdada iyo faa’idooyinka caafimaad ay hurdadu wadato.

Fikrada khaldan ay dadku qaar aaminsan yihin ayaa ah, haduu qofka habeenkii soo jeedo, maalintiina uu hurdo in ay ku filan tahay oo uu faa’idadii hurdada helay.

Dadka habeenkii shaqeeyo ama dhafro waxay la kulmaan dhibaatooyin ka dhashay culeys saarista jirkooda oo u baahnaan lahaa xilli nasasho tanne waxay dhalisaa dhibaato dhowr, waxaana ka mid ah:

• Hurdadu waxay kobcisaa difaaca jirka waxay awood dheeraad ah iyo firfircooni siisaa unugyada jirkeeda ee eebe ugu tala galay inay ka hortagaan waxyaabaha jeermiska ah, sidaas awgeed dhafarka iyo hurdo la’aanta joogtada ah waxay keentaa in qofka jirkiisu uu iska difaaci kari waayo xanuunada.

• Hurdadu waxay yareysaa miisaanka qofka, dhafarkuna wuxuu keenaa cayil, waxay cilmibaarayaashu arkeen in dadka dhafro in ay boqolkiiba 30% ay kaga halis badan yihiin cayilka dadka hurdada helo, taasna waxaa lala xiriiriyay in hurdo yarida ay yareyso maado la yiraahdo “leptin” taasoo qofka dheregta dareensiiso waxuu kaloo dhefarka kordhiyaa maadada loo yaqaano “Gherlin” oo ah hormoonka dareensiiyo gaajada.

• Hurdadu waxay kordhisaa caafimaadka iyo dareenka maskaxda, qofka dhafra wuxuu dareemaa subaxii daganaansho la’aan iyo inuu si sahlan ku xanaaqi karo maadaama dareemadiisu ay kacsan yihiin oo habeenkii dhan shaqo ku jireen, hadduu qofka dhafarkaas u barto waxay keentaa niyad jab, diiqo iyo welwel, diraasadl lagu sameeyay dadka laga daaweeyo diiqada in ay badakood helin hurdo ku filan ama ay ku bada ntahay dhafarka.

• Hurdadu waxay ka hortagtaa Sonkorta iyo Kaadi macaanka, waxaa la arkay dadka dhafra inay halis ugu jiraan cudurka macaanka noociisa 2-aad taasoo ka dhalaysa wareer ku yimaada qaabka jirka uu u xakameeyo ama u kontaroolo sonkorta cuntada laga helo.

• Dhafarka wuxuu yareeyaa hamiga kacsiga qofka, waxaa la arkaa dadka dhafra inay ka hami yaryihiin dadka hela hurdada habeenkii

• Dhafarka muddada dheer ah wuxuu keenaa in wadna garaaca uu siyaado, taasina waxay keentaa in cadaadiska dhiiga uu bato tanoo culeys saari karto wadnaha, sidaas awgeed wuxuu qofka dhafraa halis ugu jiri karaa xanuunada wadnaha ku dhaco.

• Dhafarka wuxuu raga iyo dumarkaba si iskugu mid ah u yareeyaa hormoonada u xilsaaran tarmidda iyo uureynta, hadduu dhafarkaas joogto noqdane waxay dhakhaatiirtu ka digaan in qofka madhalaysnimo ay u keento taasoo ka dhalatay khalkhal galay hormoonadaas.

Talooyin:
1- Haddii aad ka mid tahay dadka dhafro in aad ku dadaashid sidii aad u heli lahayd hurdo kugu filan habeenkii adigoo ka fogaada waxyaabaha dhafarka kuu keeni kara.
Waxaa laga yaabaa in aad aamisan tahay in aad u baaha ntahay saacado kooban oo hurdo, in aad dhafri karto, subaxiina aad shaqadaada aadi kartid.

Ogow taasi waa dhibaato aad ku haysid jirkaaga oo dhici karto waqti dambe in ay kaa soo baxdo.

2- Haddii aad shaqaysid habeenkii, ku dadaal in aadan joogto ka dhigan shaqadaas, waxaadna awood sharci ah u leedahay in shaqo habeen si joogto ah laguugu qori karin iyadoo ay suura gal tahay in aad maalintii shaqeyso ama aad is badashaan dadka kale ee aad isla shaqeysaan.
3- Haddii aad tahay dadka dhafro ka fogow waxyaabaha keeni karo in hurdada kaa fogeeyaan sida kaffeeyga iyo cabitaanada laga helo energy-ga, tani waa dhibaato lagu daray dhibaatadii dhafarka, waxaad jirkaaga saaraysaa culeys dheeraad, waxay la mid tahay adigoo baabur matoorkiisa kululaaday aad rabtid in aad sii waddo oo aad sii sheellarayso!.
Iska ilaali in aad maandooriye ku darto dhafarka sida qaadka iyo waxyaabo kale oo sidooda halis ugu keeno jirka.

4- Dhakhatiirtu waxay sheegaan in hurdada la qallayn karo oo wixii dhafarka uu gaarsiiyay jirkaaga in la yarayn karo usbuucyo illaa bilooyin gudahooda, dhibaatada iyo dhaawaca jirka gaaray waxay ku xiran tahay mudada dhafarka iyo nooca shaqada ee lagu dhafray, kullamaa qofka shaqada uu habeenkii uu qabto ay badan tahay ama u baahan tahay in jirka iyo maskaxda aad looga shaqeysiiyo kullamaa dhibaatadu ay badan tahay ama ay soo degdag ogtahay.
Waxay lagula taliyaa qofka rabo inuu ka hortago ama yareeyo dhibaatada dhafarka mudda uu ku soo jiray in uu saacado dheeri ah uu hurdo habeenkii, huradadaaso oo ah mid aan buuq lahayn, waxaa lagula taliyaa in qofka uu 10 saac oo hurdo joogto ah uu helo si uu u so gudo deyntii hurdada lagu lahaa.

5- Haddii aad ka mid tahay dadka ku dhafra isticmaalka internetka ama daawashada filimaanta, ka fakar mustaqbalka caafimaadkaaga, iskana jooji caadadaas oo haddii aad muddo dheer aad wadid kuu keeni karta dhibaatooyinka kor ku xusan.

6- Xanuunada laga dhaxlo khilaafista sunada nolosha ee eebe waxay ku tusinayaa in jirka bini’aadanka loogu talagalay si kontorool leh inuu u noolaado, hadduu caksigeeda uu sameeyane wuxuu ka dhaxlaa dhibaatooyin aadan waqtigaas dareemi karin.

W/C.Mohamed Cadde

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

BIN AADAMKA HORTII MIYAA LAGU NOOLAA ADUUNKA?

Salaam Dhalinyaro Kusoo dhawoow maqaalkeen maanta , Halkan maanta waxa aynu Ku Falanqayn doona Maxaa ka jira in ay makhluuqaad mucjiso ah oo inaga horeeyay inta aynaan Caalamkan iman ay ku noolaan jireen.Si Toosa ayaynu U qodobayn doona ! AKHRIS  WACAN           Akhriste Ma Ogtahay inay jiraan makhluuqaad ka horeeyey jinka iyo Dadkaba oo dhulkan lagu abuuray? Sheekada aan kaaga sheekayn doono ama Qisada aan kaaga sheekayn doono waxay u Eegtahay Mid laga soo wariyay aflaamta khiyaaliga ah, Laakiinse waxa ay ku qoran tahay Kitaabada Waawayn sida Kitaabka ``Bidaaya Alnihaaya(بداية والنهايه) ee uu qoray ibnu Kathiir(ابن كثير). Makhluuqaadkaas magacoodu waxa la odhan jiray Allbinu,allxin,allnis,alldin,allmin . Waan ogahay inaad la yaabi doonto magacyada aan kusoo xusay sadarka hore. Makhluuqaadkaan aan ka sheekayn doono oo dhulka joogi jiray imikana tirtirmay sifooyinkoodu waxa ay ahaayeen qaababkan soo socda qaarkood waxay lahaayeen baalal,waxay lahaayee...

Disclaimer

  Disclaimer for Maqaalka maanta If you require any more information or have any questions about our site's disclaimer, please feel free to contact us by email at Mohamedcazkaofficial@gmail.com Our Disclaimer was generated with the help of the Free Disclaimer Generator. Disclaimers for Maqaalka maanta All the information on this website - https://maqaalkamaanta.blogspot.com/?m=1 - is published in good faith and for general information purpose only. Maqaalka maanta does not make any warranties about the completeness, reliability and accuracy of this information. Any action you take upon the information you find on this website (Maqaalka maanta), is strictly at your own risk. Maqaalka maanta will not be liable for any losses and/or damages in connection with the use of our website. From our website, you can visit other websites by following hyperlinks to such external sites. While we strive to provide only quality links to useful and ethical websites, we have no control over ...

BOQORTOOYADII SABA' IYO BOQORADII BALQIIS (The Kingdom Of Saba And The Queen Balqiis).

  Salaam Dhalinyaro Kusoo dhawoow maqaalkeen maanta , Halkan maanta waxa aan Idinku Soo Gudbin Doona labo  Qiso ay Fiican tahay inaad Ogaatid  magaceeda Waa SABA' iyo BOQORADII BALQIIS Waxaan filaayaa inaad Magacaas maqasheen badankiinu Hadaba maanta ayaynu Isla Eegi Doona Hayga Caajisin                           ! AKHRIS  WACAN                          BOQORTOOYADII        SABA'                         SABA ' waa boqortooyo ka dhisnayd dhulka Yemen, caasimadooduna ay ahyd magaalada Ma'rib magaca Saba’ waxa la sheegaa in loo tiiriyo ninka la dhaho Camr Bin Caamir . Macnaha Saba’ waa qafaalasho, sababta loogu bixiyey ninkan Saba’ waxa  la soo wariyaa inuu ahaa qofkii Carab ugu horeeyey ee wax qafaasha/dhaca. Haddaba ninkan Lagu magacaabo Camr Bin...